Puntland oo sheegtay inay dhisayso wadada lagu dagaallamay Galkacyo

Image

29 November, 2015(GO)-Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo hogaaminayo Wasiir Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shalay galinkii dambe tagay goobihii lagu dagaallamay ee magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Waxay sheegeen inay ka xunyihiin dagaalka dhacay, balse duruuf ku qasbayso maadama dhinaca Galmudug ka gaabiyeen wadahadalladii lagu doonayay inay lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay waddo laami la saarayo oo Puntland ka hirgalinayso xaafadda Garsoor.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Yusuf Jamac, ayaa sheegay in ciidamada Puntland difaac kaga jiraan meelihii lagu dagallamay isla markaana gacan ku hayntooda la wareegeen.

Cali, ayaa xusay inay maanta billaabayaan dhismaha wadada lagu dagaallamay, taaso horey ugu xushmaynayeen waxgaradka Galkacyo oo ka soo horjeeday in xoog lagu dhiso jidka xaafadda Garsoor.

Xaaladda magalada Galkacyo ayaa saaka dagan ka dib dagaal xooggan oo dhimasho iyo dhaawac sababay taasoo shalay ka dhacay magaladaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM