Puntland oo sheegtay Xiliga Roobaka Gu’ga ay ka bilaamayaan Deegannada Puntland

Image
Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha ayaa soo saartay Saadaasha roobka ee xilliga Gu'ga 2024.

GAROWE, Soomaaliya - Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland ayaa soo saartay, Saadaasha roobka ee xilliga Gu'ga 2024 waxaa la filayaa inay noqoto 55% ilaa 65% mid sarreysa, iyadoo laga eegayo dhammaan deegaanada Puntland, sida ku cad khariidadda saadaasha roobka. Khariidaddan waxay muujineysaa celceliska roobka ee bilaha Maarso, Abriil, iyo Maajo.

Warbixinta roobka xilliga Gu’ga, oo ay soo saartay hay’adda cimilada ee IGAD (ICPAC) - gaar ahaan intii lagu guda jiray madasha GHACOF-66 - ayaa tilmaameysa in roobabka Gu’gu ka curanayaan deegaanada Puntland Abriil, ayna da’ayaan ilaa dhamaadka Maajo.

Khubarada saadaasha hawada ayaa isbarbardhig ku sameeyay xaddiga roobka ee Gu'ga 2024, waxayna sheegeen inuu la mid yahay xaddigii roobka ee sanadihii 2010 iyo 2016, sida ku cad jaantuska koowaad.

Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha ayaa dhammaan bulshada u dirtay fariin ah in ay diyaargarow fiican sameeyaan si ay uga faa’iideystaan biyaha roobka ee xilliga Gu’ga sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM