Puntland oo Shidaalka hodon ku ah oo dooranaysa Madaxweyne cusub

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada cusub ee Gollaha Wakiiladda, ayaa dooranaya maanta oo Talaado ah Madaxweynaha cusub ee Puntland, oo dagaal kula jirta Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

In ka badan 20 Musharax ayaa ka qeyb-qaadanaysa doorashada, kuwaasoo uu kamid yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo 51 sano jir ah, kaasoo soo maamulay Puntland tan iyo 2014.

Gaas ayaa raadinaya in shan sano oo kale sii hogaamiyo maamulkan, isagoo khudbadiisii Gollaha Wakiiladda shalay balan qadey inuu amniga iyo maamulka maaliyadda hagaajinayo.

Puntland oo ku taalla Gacanka Cadan, kuna dhaw albaabka badda Cas ayaa noqotay Maamulkii ugu horeeyay oo laga dhiso Somalia 1998, waxaana ay ka badbaadey dagaalladii Sokeeye ee Koonfur dalka.

Waxay dagaal kula jirtaa Puntland Al-Shabaab iyo Koox xiriir la leh Daacish oo khal-khal gelinaya amniga, iyadoo Kooxahan dagaalka Koonfurta usoo weeciyay maamulkan mudada dheer xasiloonida haystay.

Cabdiweli Gaas ayaa dadka tartanka xilka doorashada kula loolamaya waxaa kamid ah Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiirkii hore ee qorsheynta Somalia, Saciid Maxamed Xersi, Taliyihii hore ee ciidanka Puntland iyo Cali Ciise Cabdi, oo ah dhaqaalyahan bartay xisaabaadka iyo maaliyadda.

Sidoo kale, waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenka oo isla maanta la dooran doono ku tartamaya 11 Musharax oo uu kamid yahay Camey, oo shantii sano ee lasoo dhaafay ku xigeen u ahaa Cabdiweli Gaas.

Puntland ayaa leh Khayraad badan, oo shidaalka uu kamid yahay, iyadoo heshiisyo kula jirta Shirkadaha DNO International ASA oo Norway laga leeyahay, Africa Energy Corp. oo fadhigeedu yahay magaalada Vancouver ee Canada iyo RAK Gas LLC oo wadanka Imaaraadka laga leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM