Puntland oo Beesha Caalamka u dirtay baaq la xiriira Dhuusamareeb 3

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Dowladda Puntland ayaa ku eedeysay madaxweyne Farmaajo in uu ka shaqeynayo wiiqida heshiisyadii Dhuusamareeb 1 iyo 2, si lamid ah qorsheyaasha lagu qabanayo Dhuusamareeb 3.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub kahor inta aan la isugu imaan kulan kale oo arrinta coddeynta khuseeya.

Maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo uu baarlamaanka u adeegsaday riditaanka ra'iisul wasaarihii hore "oo fulin lahaa heshiisyadda".

"Madaxweynaha [wuxuu] si farsamo ah u daahiyey magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub si aysan u hirgelin is-afgaradyadii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomida Dhuusamareeb 3," ayaa la raaciyey.

Qoraalka oo dowlada ku eedeeyay "in ay si latashi la'aan ah isugu gaar yeeshay shaqada guddiga farsamo ee nooca doorashada" ayaa soo dhaweeyay shir heshiis siyaasi looga gaarayo cod-bixinta.

Farmaajo ayay sidoo kale waxay cod dheer ugu dhaleeceysay in uu iska indhatiray doorka Aqalka Sare oo ah metelaada dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

"Dowlada Puntland waxay ugu baaqeysaa madaxweyaha dowlada federaalka ah in uu magacaabo Ra'iisul Wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2020-21," ayaa lagu soo xiray.

Ugu dambeyntii, dowlada Puntland ayaa wakiilada Beesha Caalamka ugu baaqdey in ay ka qeybganaan Dhuusamareeb 3, arrintaas oo ay tibaaxdey in ay damaanad qaad u noqoneyso dhaqan-galka go'aanada wadahadalka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM