Puntland oo soo bandhigtay markii la af-duubtay

Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa maanta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari kusoo bandhigtay Markabkii ku gooshayay calanka dalka Sri Lanka ee lagu af-duubtay xeebaha gobolka Bari todobaadkii lasoo dhaafay, balse dadaal badan kadib soo galay gacanta ciidanka ilaalada badda ee PMPF.

Dekedda magaalada Bosaso, ayaa lagusoo bandhigay Markabkan oo lagu magacaabo Aris 13 kasoo ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka.

Goobta lagusoo bandhigayay, waxaa joogay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland.

Ciidamada badda Puntland, ayaa mahad-celin ujeedisay dowladdu iyadoo ku ammaantay qaabka ay usoo bad-baadiyeen hantidan iyo shaqaalaha ajnabiga ah ee gaarayay sideeda ruux.

Waxaa loogu baaqay inay mar-walba ka hortagaan falalka wax u dhimaya sumcadda dowladda iyo soo laabashada falalka xiriirka la leh burcadda.

Markabkan ayaa kusii jeeday magaalada Muqdishu isagoo kasoo shiraacday dalka Jabuuti, waxaana la sheegay inay saarnaayeen adeegyo ganacsi iyo shidaal.

Todobaadkii hore dhammaadkiisa ayaa kooxdii saarnayd markabkan oo sheegatay inay yihiin kalluumaysato, waxaay isaga dagteen Arris iyagoo aysan jirin wax shuruud ah oo ay kusii daayeen.

Balse waxay xuseen in qorshahoodu ahayn inay dhibaateen markab u raran dad Somaliyeed balse iska difaacayaan maraakiibta jariiflayaasha ah ee lagusoo daayay xeebaha Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa mudadii ugu horaysay ee uu qabtay talada Puntland, wuxuu masiibo qaran ku tilmaamay jariifka isagoo sheegay in ciddii lagu helo lasoo taagi doono sharciga, balse taas badalkeeda, waxaa iminka xeebaha Puntland  ku sugan doonyo iyo maraakiib shisheeye oo ruqsado ka haysta xukuumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM