Puntland oo soo bandhigtey dagaalameyaal kasoo goostey Daacish

Image
Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay inuu u dhashay Suudaan laguna magacaabo Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiim.

GAROWE, Puntland - Laamaha ammaanka Puntland ayaa soo bandhigay saddex nin oo la sheegay inay ka goosteen kooxda Daacish ee sidda dhuumaaleysiga ah uga dagaalanta buuraha gobolka Bari.

Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay inuu u dhashay Suudaan, wuxuuna magaciisa ku sheegay Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiim, waxaana muuqaalkiisa baahiyey telefishinka dowladda Puntland.

Cabdiraxiim oo kasoo muuqdey saxaafadda ayaa waxa uu tibaaxay in maamulka degmada Ballidhidhin ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen, isla markaana ay siiyeen raashin iyo dharkii ciidda.

Labada kale waa Soomaali magacyadooda lagu kala sifeeyay Cali Yuusuf Cali iyo Maxamuud Macallin Maxamed. Shaqsiyaadkan waxaa la wariyay in ay kooxda ISIL-Somalia u qaabilsanaayeen howlgaladda.

Kooxda Daacish ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay faro kulul ku haysay degaanadda gobolka Bari gaar ahaan magaaladda Boosaaso halkaas oo ay baad kusoo rogtey ganacsatadda uguna goodisay khaarijin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM