Puntland oo soo dhaweysay Ra'isal wasaaraha cusub

Image

GAROWE, Puntland- War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Puntland, ayaa lagusoo dhaweeyay magacaabista Ra'isal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, kaasoo mudane Farmaajo u doortay inuu noqdo Xasan Cali Khayre. 

Qoraalka Puntland kasoo baxay ayaa lagu sheegay inuu yahay shakhsi kasoo bixi kara shaqada loo dhiibay maadama uu yahay ruux howl kar ah oo arrimaha bini-aadanimada muddo dheer ka shaqaynayay. 

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkaas lagu sheegay in Puntland si dhow ula shaqayn doonto Ra'isal wasaaraha cusub ee Somalia. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM