Puntland oo soo dhaweysay Ra'isal wasaaraha cusub

Image

GAROWE, Puntland- War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Puntland, ayaa lagusoo dhaweeyay magacaabista Ra'isal wasaaraha cusub ee dalka Somalia, kaasoo mudane Farmaajo u doortay inuu noqdo Xasan Cali Khayre. 

Qoraalka Puntland kasoo baxay ayaa lagu sheegay inuu yahay shakhsi kasoo bixi kara shaqada loo dhiibay maadama uu yahay ruux howl kar ah oo arrimaha bini-aadanimada muddo dheer ka shaqaynayay. 

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkaas lagu sheegay in Puntland si dhow ula shaqayn doonto Ra'isal wasaaraha cusub ee Somalia. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM