Puntland oo soo dhoweysey magacaabista Cumar Cabdirashiid

Image

December 17, 2014 (GO)- Dowlada Puntland ayaa soo dhoweysey magacaabista ra'iisal wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland soo dhoweynayso go'aan walba oo maslaxadda dalku jirto islamarkaana looga gaashaamanayo is qabqabsi siyaasadeed oo ragaadiyada shaqada dowladda.

"Dawladda Puntland ee Soomaaliya iyadoo  tix’galineysa isla markaana qadarineysa deganaanshaha dalka iyo  siyaasada soomaaliya waxay  marwalbana taageereysa  qorshe walba oo ay  ummada Soomaaliyeed uga baxayso jaahwareerka iyo   Isqab’qabsiga siyaasadeed ee dib u dhaca ku ridey dhammaan hey’adihii Dawladda Soomaaliya , sidaa daraadeed waxay Dawladda Puntland si buuxda usoo dhaweyneysaa magacaabida Reysul’waaraha cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/shiid Cali Sharmaarke" qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland wuxuu markii ugu dambeysey ahaa safiirka dowladda Soomaaliya u fahiya Maraykanka, wuxuu sidoo kale horay ra'isal wasaare uga soo noqday dowladii ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM