Puntland oo soo warisay xaalado horleh oo ah safmarka Covid-19

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 12 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 148 ayaa waxay kala joogaan Bari, Nugaal iyo Mudug, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga xakameynta cudurka.

Sidda laga soo xigta warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Nugaal waxaa ku sugan 4 bukaan, Bari-na waa lix, halka Mudug laga diiwana-geliyey afar xaaladood.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay ku dhow yihiin 200, taas oo suurtagal ay tahay in sarre uga kacdo saacadaha soo aadan.

Sidda lagu xaqiijiyey qoraalka kasoo baxay guddiga, 11 kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, halka qofka kale ay tahay haweenay.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay lama soo warin wax dhimasho ah. Wadarta geerida wali waa shan, tirada bogsatay waxay noqotay shan markii laba bukaan ay caafimaadeen.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM