Puntland oo digniin u dirtay bukaanada laga helay fayruska Corona

Image

GAROWE, Puntland – Taliska Booliska Puntland ayaa digniin u diray dadka la xaqiijiyey in uu soo ritay Covid-19 ee hareer-maraya talooyinka caafimaadka iyo amarka ku saabsan in ay guriyahooda baaqi ku ahaadan.

Cabdi Xasan Xuseen, taliyaha bileyska oo war-fidiyeenka kula hadlay Garowe, ayaa tibaaxay "in ay sharci u haystaan in ay qasab ku karantiilaan dadkaas, haddii ay qabtaan, iyagoo magaalada dhex-socda".

Xilli uu xusay ahmiyadda ay leedahay in dadku ku dhaqmaan talooyinka bahda caafimaadka, taliyaha wuxuu hoosta ka xariiqay in ay bilaabayaan howlgalo ka dhan ah shaqsiyaadka aan iyagu dhaqan-gelin.

Taliyaha ayaa "mas'uuliyad darro" ku tilmaamay talaabooyinka ay qaadayaan dadkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyay in la tacaalayaan.

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu dhiirageliyey in ay kusoo wargeliyaan laamaha ammaanka iyo booliska haddii ay arkaan dadka noocaasi ah.

Bukaanka qaba Coronavirus ayaa si fudud ku qaadsiin kara dadyow kale oo badqaba, haddii uu ku qufaco meel ay joogaan ama uu taabto.

Dhanka kale, taliyaha ayaa shaaciyey raando joogto ah oo ay ku hubinayaan in mehradaha ganacsiga ay fuliyaan amarka kala fogaanshiyaha shacabka ee xukuumadda u soo rogtay xakameynta caabuqa dilaaga ah.

Degaanada Puntland ayaa laga xaqiijiyey 59 xaaladood oo ah fayruskaas sida fudud u faafa, laba dhimasho ah iyo hal soo kabasho ah, waxaana la saadaalinayaa in ay intaas kasii kordhi doonan haddii ka hortagga la xoojin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM