Puntland oo u hanjabtay telefishin ka faafiyey "warar sumcad dil ah"

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa waxay si kulul u cambaareysay warbixin uu baahiyey telefishinka maxaliga ah ee Shabeelle kaasoo xaruntiisu tahay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamuud Warsame Fuubi, agaasimaha waaxda isgaarsiinta Wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland, ayaa faaladaas ku sifeeyay "weerar dhanka warbaahinta ah oo lagu soo qaadey maamulka".

Fuubi oo u waramay Puntland State Tv ayaa xusay in muuqaalkaas uu ka kooban yahay dhacdooyin dhowr sano kahor ah, lagana damacsan yahay "in lagu bahdilo jiritaanka, amniga iyo dowladnimada Puntland".

"Si bareer ah oo aan geed loogu soo ganban ayuu telefishinkaas weerar ugu soo qaadey dowlad goboleedka Puntland," ayuu yiri xilli uu hoosta ka xariiqay in uu la kulmi doono cawaaqib adag.

Isagoo hadalkiisa sii wata, agaasimaha ayaa cod dheer ku shaaciyey in ay si deg-deg ah talaabo sharciga waafaqsan kaga qaadi doonan telefishinkaas.

"Waxaanu rajeyneynaa in dhowaanahaabna laga maqli [daawan] doonin degaanada Puntland State," ayuu carabka ku dhuftay Fuubi oo ka dhawaajiyey in talaabadaas si deg-deg ah loo dhaqan-gelin doono.

Sheekadda uu baahiyey Tv-ga oo ciwaan looga dhigay "Warbixin ku saabsan madaxweynaha Puntland; Muxuu Ka Qabtey dhaqalaha Puntland oo maraya meeshii ugu xumeyd" ayaa u muuqatay mid beegsi ah.

Xaqiiqooyinka ku jira warbixinta oo laga dheehan karay buun-buunin [ka badbadin] aad u weyn ayaa qaarkood ahaa kuwa aan sal iyo baar lahayn.

Dowlada waqtiga kasii dhacayo uu hogaamiyo Farmaajo ayaa saxaafada u adeegsata in ay ku bartilmaameedsato madaxda iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, waxaana ay arritaas ku bixisaa dhaqaale badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM