Puntland oo wafdi u dirtey shir ka furmaya Muqdisho

Image

Sabti September 27,2014 [GO]- Waxaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Garowe tiro ka badan 20 agaasime waaxeed oo ka kala ka tirsan madaxtooyada iyo wasaaradaha Dowlada Puntland kuwaas oo lagu wado inay uga qeyb galaan Muqdisho maalinta berito shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Federalka Somaliya.

Ujeedada waftiga Puntland u tageen Muqdisho ayaa salka ku haysa ka qeyb galida kulan dabo socda shirarkii hore ee DF ka qabatay Barnaamijka ” New Deal” ayna kasoo qeyb galeen kulamadii ka horeeyey midka berito ka furmaya Muqdisho Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Gaas

Waxaana ka mid ah xubnaha maanta ka dhoofey Garowe Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada, Agaasimaha Tacliinta Sare  ee Wasaarada Waxbarashada, Agaasime waaxeedka Faaf Reebka Warfaafinta, iyo xubno kale oo tiradoodu ka badan tahay 20 qof.

Socdaalka waftiga ayaa imaanaya xilli aysan wali labada dhinac wada hadalo rasmi ah ka yeelan go,aankii kasoo baxay xukuumada Madaxweyne Gaas 20-kii bishii horre Augsto 2014 iyo mowqifkii uu ku shaaciyey Madaxweyne Gaas 31 July 2014 inuu jaray wada shaqeyntii iyo xiriirkii xukuumadiisu la lahayd Villa Somalia.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland u tagto Muqdisho shirar ay soo qaban qaabisay DF Somalia tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM