Puntland oo ciribtireysa argagixisada si ay u soo jiidato maalgeshi

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bad-qab u balanqaadey maalgeshatada xili maanta uu magaaladda Garowe ka furmay Shirka Maalgeshiga dowladda Puntland.

Shirkaas kaasi oo hal-ku-dhigiisu yahay "Balaari ganacsigaaga oo maalgesho Puntland" ayaa ujeedkiisa ugu weyn waxaa lagu sheegay in uu yahay maalgelin iyo fursado shaqo.

"Dowladda Puntland waxay diyaarisay siyaasadda maalgeshiga, kaasi oo kuu suurogelin doona in aad Puntland ka maalgeshato waax kasta iyo meel walba oo aad xiiseyneyso," ayuu yiri.

Fursadaha muuqda ee maalgelinta u baahan ee lagu soo bandhigay shirka ayaa waxaa kamid ah kheyraadka dabiiciga ah oo ay ku jiraan kalluunka, soo saarista saliida iyo dalaga beeraha.

AlShabaab oo xididaha loo sii bayo

Amniga waa mid kamid ah caqabaha hortaagan horumarka Soomaaliya, oo sababteeda ugu badan leeyihiin jihaad-aloosyaal ay safka hore uga jirto maleyshiyaadka argixisada ah ee AlShabaab.

"Meel walba oo aduunka ah waxaa ka jirta amni darro, Puntland waxay kamid tahay caalamka. Dowlad ahaan waan ciribtiri doonaa haraadiga AlShabaab ee Puntland," ayuu raaciyey.

Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray: "…Balse waxaan dhiirogelineynaa maalgeshiga, waxaan ku ilaalin doonaa maalgeshatada waqtiga ugu dhow iyo xiliga ugu dheer".

Shaqo abuur

Faa'iidooyinka aadka loogu rajo weyn yahay in shirkan uu horseedo ayaa waxaa kamid ah in dhalinyaraddu ay ka hesho shaqo abuur, isaga oo taasi ka duulaya ayuu Deni fariin u reebay Bankiyadda.

"Waxaan ka codsanayaa dhamaan bankiyadda in ay hoos u dhigaan saamiga danaha, si qaabka ugu macquulsan ay dhalinteena iyo dadkeena uga heli karaan maalgelinta fursado," ayuu xusay.

Mudada ay socoto madasha oo saddex maalmood ah ayaa waxaa jiri doona doodo laga yeelan doono meelaha ugu fiican ee maalgelinta u baahan, si aduunka indhihiisa ugu soo jeediyo Puntland.

KHUDBADII DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM