Puntland oo xirtay marsada kalluunka ee dekada Boosaaso [Daawo]

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba irdaha loolaabayo marsada gaadiidka iyo suuqa ganacsiga kalluunka ee ku dhex-yaalla dekedda magaalada Boosaaso.

Maxamed Cabdi Cismaan ayaa ku macneeyay sababta ka dambeysa arrintaan mid lagu xaqiijinayo nabad-gelyada dekadda, maadaama ay tahay mid kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dowladda.

"Go’aankaan oo la doonayo in ay dhaqan-geliyaan dhamaan hay’addaha ay quseyso waxaa uu yimid markii ay shireen maamulka dekada iyo wasaarada," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay wasaaradda, sidoo kale waxaa la mamnuucay in hareeraha dekadda laga sameysto goobo ganacsi, iyada oo kuwa haatan ku leh la faray in ay ka guuraan laga bilaabo 5-ta bishaan ee ku beegan maalinta Taaladada.

Go’aankaan ayaa imaanaya iyadda oo bishii hore qeybta Nec-fish ee xaydaabka dekedda xarunta ganacsiga Puntland lagu dilay Paul Anthony Formosa, madaxii shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM