Puntland oo xirtay marsada kalluunka ee dekada Boosaaso [Daawo]

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlada Puntland ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba irdaha loolaabayo marsada gaadiidka iyo suuqa ganacsiga kalluunka ee ku dhex-yaalla dekedda magaalada Boosaaso.

Maxamed Cabdi Cismaan ayaa ku macneeyay sababta ka dambeysa arrintaan mid lagu xaqiijinayo nabad-gelyada dekadda, maadaama ay tahay mid kamid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dowladda.

"Go’aankaan oo la doonayo in ay dhaqan-geliyaan dhamaan hay’addaha ay quseyso waxaa uu yimid markii ay shireen maamulka dekada iyo wasaarada," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay wasaaradda, sidoo kale waxaa la mamnuucay in hareeraha dekadda laga sameysto goobo ganacsi, iyada oo kuwa haatan ku leh la faray in ay ka guuraan laga bilaabo 5-ta bishaan ee ku beegan maalinta Taaladada.

Go’aankaan ayaa imaanaya iyadda oo bishii hore qeybta Nec-fish ee xaydaabka dekedda xarunta ganacsiga Puntland lagu dilay Paul Anthony Formosa, madaxii shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM