Puntland oo xirtay rag lagu tuhmayo Al-Shabaanimo iyo Daacishnimo

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa sheegay in howlgalo ay xalay ka sameeyeen Boosaaso ay kusoo qabteen rag lagu tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo iyo Daacishnimo.

Qoraal lagu daabacay barta uu talisku ku leeyahay Facebook ayaa lagu soo bandhigay sawiro la qaadey intii howlgalku socday.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in sidoo kale laamaha amnigu gacanta ku dhigeen "agab la rabay in loo gudbiyo kooxahaas".

"Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat," ayaa lagu yiri bayaanka, oo aan lagu shaacin tiradda xubnaha la filayo in baaritaan la marsiiyo.

Taliska oo fariin u diraya dadweynaha ayaa intaas raaciyey "si aan cadowga uga sifayno dhulkeena ,nala wadaag wixii xog cadow ah ee aad haysid, adiga oo muwaadin si lacag la’aan ah nooga soo waca 388".

Qabashada xubnahaas ayaa waxay kusoo aadeysaa maalin kadib markii madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ka go'an tahay ciribtirka maleeyshiyaadkaas argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM