Puntland oo xirtay xuduudaheeda, xayiraadna kusoo rogtay Qaadka

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah waxay soo saartey go'aanno cusub oo la xiriira siddii ay uga hortagi lahayd xanuunka saameynta ba'an yeeshay ee Coronavirus.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo saartey go'aanaddaas ayaa fartay in ay dhaqan-geliyaan dhamaan guddoomiyeyaasha gobolada iyo taliyaha Ciidamadda Booliska Puntland.

Go'aanadda waxaa qeyb ka ah in la xirayo xuduudka Somaliland iyo Kilinka Shanaad laga bilaabo 28-ka Maaj, 2020. Kaliya ardayda ka imaaneysa Itoobiya ayaa loo ogol-yahay in ay soo gudban.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay GO, ardayda oo la hubin doono aqoonsiyadooda ayaa haysta in ay kusoo xaroodaan ugu dambeyn 31-ka Maaj, 2020.

Bayaanka ayaa lagu xusay in laga bilaabo 28-ka Maaj aan wax Qaad ah la keeni karin Puntland. Laamaha amniga iyo maamuleyaasha gobolada waxaa la faray "in ay ciqaabaan ciddii fulin weyda".

Ganacsatada ayaa, sidda lagu caddeeyay warka qoraalka ah, waxaa laga codsadey in ay joojiyaan iibka badeecadaha badan ee ka yimaada dibadda.

Dalabkaas ayaa daaran "si loo hubiyo keydka cunto iyo badeecadaha daruuriga ah ee loo hayo dadka Puntland inta dalalka xuduudahooda xirtay ee badeecaduhu ka imaan jireen xaaladooda caadi kusoo noqoneyso".

Ugu dambeyntii, ciidamada ilaalada kastamyada ayaa lagu amray in laga bilaabo 30-ka Maaj ee sanadkan 2020 la joojiyo "wixii badeecado jumlo ah ee dibadda uga baxeysa Puntland. illaa iyo amar dambe".

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM