Puntland oo xoojineysa ololaha ka hortagga kontorobaanka

Image
Image
Image
Sidoo kale, dowladda ayaa wadda dadaalo ay ku kordhineyso dakhliga "oo horay guulo looga gaarey".

BOOSAASO, Puntland - Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Qardho ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Kar-kaar iyo Sanaag.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir Mas’uuliyiinta Wasaaradda ee Gobolada Kar-kaar iyo Sanaag.

Madaxda Dakhliga ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyey Halka uu marayo dakhliga gobolada, habsami u socodka qaadista Canshuuraha iyo shaqooyinka Wasaaradda ee labada gobol.

Inta uu socday Kulanka waxaa si qotodheer looga hadlay meelaha ay ka jirto habacsanaanta dakhliga, Abuuriste ilo dakhli iyo sidii kor loogu qaadi lahaa u hoggaansanka cashuuraha iyo hormarinta udeegista cashuur bixiyaha.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda, Xasan Shire Cabdi waxa ay ku hawlan yihiin dar-dar galinta dakhliga oo guulo wax ku oo la horay looga gaaray sidii loo xoojin lahaa.

Wasiir Xasan ayaa soo kormeeray xafiisyada shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ee Qardho iyo habsami u socodka shaqada, waxaana uu shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta kula dar-daarmay xoojinta shaqada iyo kobcinta Dakhliga Dowladda iyo ka hortagga kontorobaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM