Puntland oo xoojineysa wada shaqeynta hay'adda socdaalka DFS

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Shir looga hadlayo isku xirka howlaha laamaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Garoowe Caasimadda Puntland.

Shirkaan oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay'adda, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira.

Waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Puntland Cabisamad Gallan, Agaasimaha guud Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Madaxda Hay'ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale waxay goobjoog ka ahaayeen kulanka.

Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga ee kala duwan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Marti sharaf kale ayaa kasoo muuqday madasha.

Karaash ayaa bogaadiyay shaqada Hay'adan, waxaana uu tilmaamay inay si dhow u wada shaqeeyaan, loona baahan yahay in lasii laba jibbaaraan howlaha baaxadda leh ee ay Ummada u hayaan.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Hay'ada Socdaalka ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan, waxaana uu ku ammaanay shaqada Muhiimka ee ay hayaan.

Karaash ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay in mar walba ay xoojiso arimaha wada shaqaynta ay la leedahay hay'ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM