Puntland oo xukuntay maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab

Image

GAALKACYO, Puntland - Maxkamada Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo ayaa 5 maleyshiyo waxay ugu xukuntay dil toogasho in ay xarunta gobolka Mudug kg geysteen falal khaarijin ah iyo weeraro loo adeegsaday qaraxyo.

Magacyadda shaqsiyaadka la xukumay ayaa, sida ku xusan qoraal kasoo baxay Maxkamadda, waxay kala yihiin sida soo socota; Kalaay, Abkow, Laaga, Cali Jareer iyo Nageeye Qanjey.

Sidoo kale, xeerbeegtadda ayaa, sidda ku cad bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, waxay lasii daayey lix kale oo lagu eedeeyay dambi iyo in ay gacansaar la leeyihiin Al-Shabaab.

Bishii hore ee April ayay ahayd markii Puntland ay sidaan oo kale xukun dil toogasho ah ay ugu riday shan xubnood Al-Shabaab ah kuwaasoo dilal ka fulinayey Gaalkacyo tan iyo sanad markii uu ahaa 2008-dii.

Sida ay sheegtey xeer-ilaalinta, shabakadaas waxaa hogaamiye u ahaa Faysal Axmed Bashiir [Gujis] kaasoo qirtey in uu gacantiisa ku geystay 15 fal khaarjin ah oo xarunta gobolka Mudug uu uga fuliyey ururka.

"Dilaagii" ciyaaryahan ahaa

Faysal Axmed Bashiir [Gujis], ina Maka Sheekh Suufi 31-jir ku dhashay degan Gaalkacyo kana shaqeynaayey faryaamo, ayaa kasoo muuqdey barnaamij laga sii daayey telefishinka dowladda Puntland.

Intii uu socday barnaamijka, Gujis oo ciyaaryahan ahaa ayaa xusay in Al-Shabaab ay qofka dil uga fuliya Gaalkacyo ku abaalmariso $350, caawiyahana la siiyo $150; halka sahmiyahana uu qaato $100-$150.

Gujis oo la sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray 2008-dii ayaa lagu tababaray degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimada Muqdisho. Nin uu magaciisa ku sheegay Jeeri ayaana "tashkiiliyey".

Dadka uu khaarijiyey waxaa ku jira Cabduqaadir Jaamac Nugaal, xeer-ilaaliyihii hore ee gobolka Mudug oo lagu beegsaday nawaaxiga Masjidka Al Casiis Cabdi Kacaan, sarkaal ka tirsanaa hay'adda sirdoonka Puntland.

Iskaashiga dhanka ee dowladaha Puntland iyo Galmudug ka gaareen magaalada Gaalkacyo ayaa soo dedejisay soo qab-qabashadda iyo maxkamadeynta maleyshiyaddan ka tirsan Al-Shabaab si ay u wajahaan cadaaladda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM