Puntland oo xukuntay shabakad dilal ka fulisay Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada iyo dambiyada cusub ee gobolada Ceyn iyo Mudug ee Puntland ayaa dil toogasho waxay ku xukuntay shan rag ah oo lagu eedeeyay in ay waqoyga magaalada Gaalkacyo ay Al-Shabaab uga fuliyeen dilal qorsheysan.

Shaqsiyaadkan oo tan horaantii 2008-dii ahaa shabakad isku xiran ayaa wadar ahaan waxay geysteen ku dhowaad 30 fal khaarijin ah.

Dhageysiga maxkamadeyntooda oo lagu soo bandhigay muuqaalo qiraal oo caddeyn ahaan looga duubay waxaa goobjoog ahaa; Cabdullaahi Shire Maxamed, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada iyo dambiyada cusub ee gobolada Ceyn iyo Mudug iyo Cawil Warsame Maxamed, xeer-ilaaliyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada iyo dambiyada cusub ee gobolada Ceyn iyo Mudug.

Gaashaanle Cawil ayaa fadhiga ka akhriyey eedeymaha loo haysto xukumaneyaasha. Qareenadooda waxay xeer-beegtada waydiisteen in loo sameeyo naxariis maadaama ay qiraal badan sameeeen.

Waa kuma xukumaneyaasha?

Faysal Axmed Bashiir [Gujis], ina Maka Sheekh Suufi 31-jir ku dhashay degan Gaalkacyo kana shaqeynaayey faryaamo.

Gujis oo la sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray 2008-dii ayaa lagu tababaray degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimada Muqdisho. Ku lug-lahaanshiyaha iyo in uu ku fuliyey 11 fal-dambiyeed ayaa lagu soo oogey.

Dadka uu khaarijiyey waxaa kamid ah Marxuum Cabduqaadir Jaamac Nugaal, xeer-ilaaliyihii hore ee gobolka Mudug oo lagu beegsaday agagarka Masjidka Al Casiis Cabdi Kacaan, oo ahaa sarkaal hay’adda mukhaabaraadka Puntland.

Sahal Cabdullaahi Jaamac [Cabdiraxmaan], ina Boosteeyo Maxamed Wehliye 32-jir ku dhashay Laan-madow degan Gaalkacyo kana shaqeynaayey Darawal.

Cabdiraxmaan oo Al-Shabaab ku biiray 2008-dii ayaa lagu waramay in uu tababarka ku qaatay Caska oo Gaalkacyo ka tirsan. Sidda xeer-ilaalintu sheegtay, amiirka tababarka siiyey waxaa lagu magacaabaa Jeeri.

Shan fal khaarijin ayaa lagu eedeeyay in uu fuliyey ama qeyb ka ahaa. Magacyadda shaqsiyaadka uu dilkooda ku lugta lahaa waxaa kamid ah; Cumar Dheere, madaxii ganacsatadda gobolka Mudug, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, guddoomiyihii xaafadda Israac ee Gaalkacyo iyo Wariye Silver.

Idiris Maxamed Afyare, ina daawo Maxamed Ibraahim 25-jir ku dhashay Muqdisho degan Gaalkacyo kana shaqeynaayey dukaanle.

Afyare oo la wariyey in uu xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku biiray 2008-dii ayaa la xusay in waajibaadkiisa uu ahaa fulinta dilalka qorsheysan iyo sahminta shaqsiyaadka ay kooxda argagixisada ah dooneyso in ay beegsato.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ka dhawaajiyey in Afyare uu geystay afar dil, mid kalana uu waardiye ka ahaa. Magacyadda gacantiisa ku baxay waxaa la sheegay in ay ku jiraan Xasan Yare, ganacsade iyo Korneyl Axmed Maxamed Dhagawayne.

Salmaan Maxamuud Saleebaan [Cabduqaadir Al Faarisi], ina Sokorey Aadan Xasan 23-jir ku dhashay Baydhabo degan Gaalkacyo kana shaqeynaayey Foorno rooti.

Cabduqaadir Al Faarisi oo la tibaaxay in uu Al-Shabaab ku biiray 2009-kii ayaa degaanka Galgalato ee dhanka koonfurta Gaalkacyo wuxuu kusoo bartay qaabka wax loo dilo kuna lug-lahaa khaarijinta lix ruux, sida ku cad dacwadda.

Magacyadda uu khaarijintooda ka dambeeyay waxaa kamid ah Nabadoon Xasan Xuseen iyo Bashiir Cabdi Garas, xeer-ilaaliyihii hore ee gobolka Mudug, oo ay ku wehiyeen xukumaneyaasha kala ah; Sahal iyo Faysal Gujis.

Jaamac Muriidi Xuseen Maxamed, ina Batuulo-mareer Axmed Maxamed 20-jir ku dhashay Buulo-mareer degan Gaalkacyo kana shaqeynaayey Bajaajle.

Maxamed oo 2009-kii Al-Shabaab kaga biiray Batuulo-mareer ayaa lagu waramay in uu Gaalkacyo u soo wareegay 2016-kii una qaabilsanaa kooxda dilalka qorsheysan isla markaana uu ka dambeeyay illaa saddex fal-dil ah.

Magacyadda uu dilkooda ka dambeeyay waxaa ku jira wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo u shaqeynayey Radio Daljir iyo Nabadoon Maxamed Jaamac.

Gaalkacyo oo dhanka koonfurta ka arimiyo maamulka Galmudug, waqoygana Puntland waxay muddo dheer la daalaadhaceysay amni darro. Hasa ahaatee, tan iyo markii ay labada maamul kala saxiixdeen heshiis iskaashi bilaabeen howlgalo wadajir ah waxay fure u noqotay dabar-goynta xagjirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM