Puntland oo xukuntay shabakad "dishay" boqolaal ruux

Image

GAALKACYO, Puntland - Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 shaqsi oo dhammaantood lagu helay kamid ahaanshiyaha maleyshiyadda Al-Shabaab.

Xeer-beegtadda ayaa si gaar ah waxay Cabdirisaaq Axmed Buraale ugu xukuntay cimriga haku furto ah "maadaama uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dhamaan eedeymaha loosoo jeediyey".

"Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ah ay yihiin horjoogayaashii ugu sareeyey ee go'aamin jirey dilalka iyo qarxyada magaalada Galkacyo, 12 kale ayaa ahaa kuwii dilalka fulin jirey," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xeerbeegtadda kaasoo nuqul kamid ah uu arkay xafiiska wararka mareega Garowe Online ee Gaalkacyo.

Shabakadan oo lagu waramay in ay xarunta gobolka Mudug ka howlgaleysay tan iyo 2002-dii ayaa la sheegay in ay ka dambeyeen dilalka in ka badan 300 ruux kuwaasoo isugu jiray mas'uuliyiin iyo rayid.

Saddexdii todobaad ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhageysiga xukun racfaan qaadasho ahaa, iyaddoo maanta ay ku dhawaaqdey go'aanka ay ka qaadatay gal-dacwadeedkan.

Ilaa 7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka yimaadeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa u doodayey xukumanayaasha, waxaana ay sheegayeen in caddeymaha aysan ahayn kuwa ku filan.

Amaanka magaaladda Gaalkacyo ayaa guud ahaan waxaa gacan bir ah ku haya ciidamadda kala duwan ee dowladda Puntland mudadii ay socotay maxkamadeynta si ay uga hortagaan isku day arbushaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM