Puntland oo xukuntey rag lagu helay dilkii wariye Jamaal

Image
Xukumaneyaasha waxaa ku jira wiil dhalinyaro ah oo caan ka ahaa baraha bulshadda.

GAALKACYO, Puntland - Maxkamada ciidamadda Puntland ayaa xukuno isugu jira xabsi iyo dil toogasho ku riday afar dhalinyaro ah kuwaasoo lagu eedeeyay dilka wariye Jamaal Faarax Aadan.

Aadan ayaa lagu khaarijiyey magaalada Gaalkacyo. Shaqsiyaadka la xukumay waxaa kamid ah Cabdiqani Sayloor oo aad u isticmaali jiray baraha bulshadda sanad kahorna la xiray.

Xukunsanaha oo xaqiijiyey in uu fal dambiyeed kasta oo khaarijin ah ku qaadan jiray $50 doolarka Mareykanka ah ayaa lagu xukumay dil toogasho maadaama uu qirtey 'gacan ku dhiiglanimada".

Sidoo kale, Cadde Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu xukumay dil toogasho. Maxamed iyo Sayloor waxaa lagu waramay in ay kala lahaayeen gacanta koowaad iyo labaad ee toogashadda.

Xasan Jaamac Maxamed ayaa lagu xukumay 25-sano, halka Maxamed Cali Axmed (Qaroon) lagu riday 15-sano xabsi ah. Xukumaneyaasha waxaa lagu helay Al-Shabaabnimo iyo dilka Jamaal.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur oo soo dhaweeyay xukunka maxkamadda kasoo saartey kiiskan, ayaa tibaaxay in ay jiraan eedeysaneyaal kale oo baaris wajahaya.

"Waa dhamaatay wakhtigii gobolkaanu Argagixisadu siday rabto ka yeeli jirtay, marna lagama yaabo kana  yeelimayno in ay labeenta Bulshada gobolkaan si xaqdaraa udaato dhiigoo, mid kasta oo maalin dariiqaas marayna waxaanu balan qaadaynaa inuu jasadkeeda mari doono," ayuu carabka kua dkeeyay guddoomiye Cabdiladiif.

Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyada dilka wariye Jamaal waxaana ay ku doodey in uu kala shaqeynayey sirdoonka dowladda Puntland nabadeynta iyo ciribtirka argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM