Puntland: Qaabka haweenka looga duusiyey siyaasadda

Image
Balanqaayada ayaan dhalin wax dhaafsiisan in loosoo saaro soo dhaweynta iyo u adeegsigooda xaflado ku dhamaada sacab.

GAROWE, Puntland - Puntlland oo afar iyo labaatan sano jirsatay ayaa doodaha taagan waxaa ka mid ah maqnaanshiyaha kaalinta Haweenka ee Maamulka iyada oo uu ka muuqdo si gaar ah hoos u dhac dhawrkii sano ee u danbeeyay.

Barlamaanka Puntland waxaa 1998 lagu bilaabay 5 haween ah. Sidda ay maalinba tiradu usii yaraanaysay, haatan wuuxu marayaa labo haween ah oo kaliya iyaga oo kala ah Maryan Fangase iyo Naciimo Caarshe.

Xukuumada Deni oo ah 54 Xubnood oo isugu jira wasiiro, xigeeno iyo wasiiru-dowlayaal ayaa 5 xubnood oo kaliya ay haween ka yihiin iyada oo taasi muujinayso heer aad u kala badan iyada oo ay adag tahay in tiradaas yar ay aragtida haweenka ka iibiyaan iyo in wax laga qabto baahiyahooda xubnahaas badna ee ragga ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu dhawaan isaga oo soo xirayay shirka Haweenka ee doorashooyinka waxa uu yiri: "Haweenoow yaan la raadin xuquuqo aan jirin".

Dadka ayaa is-waydiinaya waxa ka keenay hadalkaas halka laga sugayay wax u qabashadooda wax dhaafsiisan in loosoo saaro soo dhaweynta iyo u adeegsigooda xaflado ku dhamaada sacab.

Agaasimayaasha guud ee Puntland oo gaaraya 39 laduba - wasaaradaha iyo hay'adaha madaxa banaan - ayaa waxaa ku jira oo haween ah kaliya hal waxayna agaasime guud ka tahay wasaaradda cadaalada iyo arimaha diinta waana Maryan Cismaan.

Marka lasii fiiriyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaradaha Puntland oo gaaraya 201agaasime waaxeed ayaa kaliya waxaa ku jira 25 Agaasime waaxeed oo Haween ah iyada oo shan kamid ah ay joogaan wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland.

Tiradda ayaa waxay sii kordhinaysaa walaaca laga qabo heerka fulitaanka siyaasadaha iyo sheegashada maamulka Puntland in uu kor u qaaday heerka Matalaada Haweenka.

Haatan waxaa la is waydiinayaa waxa ka dhalan doona sheegashada iyo ololaha Deni ee qabashada doorasho Qof iyo Cod iyada taasoo haddii lagu galo wacyi-gelin la'aan ay dadku sheegayaan in ay haweenka sii duud siin karto xuquuqdooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM