Puntland: Qalbi Dhagax oo soo gaarey Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax], ayaa maanta oo sabti soo gaarey magaalada ganacsi Puntland, ee Boosaaso halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa Qalbi Dhagax kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato mas'uuliyiin maamulka magaalada, odayaasha dhaqanka iyo shaqsiyaad kale, sida ay wararku sheegayaan.

Lama oga waxa ay salka ku hayso booqashada Qalbi Dhagax, oo ka yimid dhanka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Qalbi Dhagax uu socdaal ku tagi gobolka Mudug, oo ah halkaasi laga soo qabtey sanadkii hore kahor inta aysan dowladda Federaalka u gacan gelin Itoobiya.

Dhiibistii Qalbi Dhagax ayaa dowladda uu hogaamiyo Farmaajo kala kulantay madax-xanuun siyaasadeed iyo cambaareyn culus, iyadoo lagu dhaliilay inay ku degdegtay in sarkaalkan katirsan ONLF ay u gacan geliso Xukuumadda Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM