Puntland: Qarax lala eegtay kolanyo galbineysay madax sare

Image

GAROWE, Puntland - Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday halka labo kale ay ku dhaawacmeen kadib markii laba qarax oo is xigay ay ka dhaceen wadada gasha degaanka Bali-dhidin ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa lala eegtay wafdi ka yimid degmada Iskushuban ayna la socdeen Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, taliyaha ciidanka daraawiishta Puntlnad iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Hase ahaatee, waxaa dhacdooyinka noocaan looga bartey kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya si gaar ah maleyshiyadda Al-Shabaab.

"Qaraxa waxaa sidoo kale ku burburay mid kamid ah gaadiidka kolanyadda. Waana waxyeeladda illaa haatan la og-yahay in uu sababay weerarkaas," ayay sheegeen dhowr illo wareedyo kala duwan.

Illo wareedyadda ayaa waxay intaas u dareen: "Mas'uuliyiinta sar-sarre ee kolanyadda qeybta ka ahayd way nabad-qabaan waxayna sii wateen safarkooda ku wajahanaa degmadda Bali-dhidin".

Qaraxyaddan noocooda lagu sheegay in ay ahaayeen miinooyin ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay muddooyinkii u dambeysay xukuno ku riday shabakado ka tirsanaa maleyshiyada Al-Shabaab.

Shabakadahan oo ka howlgalayey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu eedeeyay in ay dileen ku dhowaad 300 qof tan iyo 2002-dii. Muuqaalo ay ku duubeen ayay ku qirteen dilalka ay ka dambeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM