​Puntland: Rag katirsan Daacish oo la xukumay [Dhagayso]

Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Rag ku eedaysnaa inay katirsanyihiin kooxda Daacish ee ku sugan Bariga Puntland, ayaa maanta waxaa loo fariistay dhagaysiga dacwadooda, waxaana maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland qaybtood ku riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay dil toogasho ah.

Xubnaha maxakadda la horgeeyay oo tiradoodu gaarayso 8 ruux ayaa labo kamid ah lagu xukumay dil toogasho ah, waxaa wasaaradda caadaaladda Puntland lagu wareejiyay hal qof oo la sheegay in da'diisu yartahay,mid kale xorriyadiisa ayaa loo ceshay, halka qayb kale sanooyin kala duwan lagu xukumay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Kornayl Cabdifataax Xaaji Aadam, ayaa akhriyay go'aanka kiiska raggaas laga gaaray, wuxuuna sheegay in Maxkamadda dil toogasho ah ku xuntay, Axmed Aaden Cabdullaahi 20 sano jir ah ku dhashay Ararso kana mid ahaa tababarayaasha ururka Daacish iyo Al Shabaab iyo Cabullaahi Maxamed Aaden Cabdi, 22 sano jir ah, ku dhashay Baydhabo, tababarna kusoo qaatay Shalanbood.

Waxay maxkamaddu sheegtay in raggan qirteen dambiyada loo haysto.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu xabsi madaxaa haku furto ah ku ridday Saalax Xuseen Ibrahim iyo Cabdifataax Jamaal Cabdi.

Maxkamadda ayaa Farxaan Cabdullaahi Faarax oo la sheegay in ay da'diisu ka yar tahay 15 sano amar ku bixisay in lagu wareejiyo wasaaradda cadaaladda ee maamulka Puntland.

Cabdikariin Siciid Cabdi oo dhawaan lagu qabtay bistoolado uu kusoo qariyay doon ka timid Yemen waxay maxkamadu xukuntay 20 sano oo xarig ah.

Cabdiqaadir Mahad Nuux oo ah ganacsade oo hub lagu qabtay waxay maxkamadu ku riday shan sano oo xabsi ah.

Cabdirisaaq Xayir Dacar, waxay maxkamadu usoo celisya xoriyadiisii.

Madasha lagu shaacinayay xukunka dambiilayaashan, ayaa lagusoo bandhigay Bastoolado iyo rasaas dhawaan lagu qabtay dekedda Bosaso, kuwaasoo ay la wareegtay dowladdu.

Ragga la xukumay ayaa horay loogu qabtay howlgallo ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Waa markii ugu horaysay xubno xiriir la leh Daacish lagu xukumo Puntland, waxaana tallaabadan timid, kadib markii mallayshiyo ururkaas katirsan ay ku suganyihiin degmada Qandala ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM