Puntland: Roob xooggan oo ka da’ay magaalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Roob mahiigaan ah ayaa ka da’ay qaybo kamid ah gobolka Nugal ee Puntland halkaasoo ay ka jirtay muddooyinkii dambe abaar daran oo dhammaysay badi xoolihii ay ku dhaqnaayeen reer Guuraaga.

Magaalo Madaxda Puntland ee Garowe ayaa heshay saddex Roob oo kala duwan ilaa Jimcihii hore, balse kan qabtay Galabta ilaa Caawa ayaa maasheeyay dhammaan gudaha magaalada.

Waddooyinka Laamiga iyo kuwa caadiga ah ee dhexmara xaafadaha ayaa noqday kuwo qarsoomay, waxaana dulun-dulcaynaya Biyo aad u badan.

Meelaha qaybtood waxaa adkaatay inay isticmaalaan baabuurta raaxada iyo waliba kuwa yar-yar.

Roobkan oo ilaa hadda da’aya ayaa bilowday salaadii Maqrib ka hor.

Dhinaca kale wararka aan ka helayno nawaaxiga caasumadda Puntland ee Garowe, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka curteen roobabkii Gu’ga kuwaasoo aad u biyo dhigay oo Togaga iyo Waraha-ba biyo galiyay.

Sidoo kale meelo badan oo kamid ah gobollada iyo degmooyinka Puntland ayaa roobsaday tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay.

Qaar kamid ah shacabka Garowe oo la hadlayay Warsidaha Garowe Online, ayaa ALLE uga mahadceliyay deeqdiisa, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin Roobka oo kusoo beegmay xilli magaaladu ay aad u kululayd muddooyinkii dambe.

Qaar kamid ah tuulooyin yar yar oo katirsan gobolka ayaa lagasoo sheegayaa inuusan roobku helin halka qaybtood uu ku yaraa.

Saddexdii sano ee ugu dambaysay magaalada Garowe waxaa ku yaraa Roobabkii Gu’ga iyo Dayrta, halka guud ahaan Somalia ay ka jirtay abaar baahsan oo loo Baxshay SIMA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM