Puntland: Saamaynta taban ee isbedelka cimilada oo laga shiray

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal-qaadey mashaariicda hadda socda iyo kuwa qorsheysan.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyoWasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti ka socday Hay’adda Save the Children oo uu hogaaminayey Madaxa Programada Puntland Maxamed Cabdullahi Casayr.

Masuuliyiinta oo Wasiirka ugu hambalyeeyey Xilka Cusub ee loo magacaabay, ayaa dhanka kalena kulanka waxaa looga wada hadlay Mashaariicda Hay’adda Save the Children ay la waddo Wasaaradda, kuwa Qorshaysan, iyo sidii qorshe dhow looga wada yeelaan lahaa arimaha Isbedelka Cimilada iyo latacaalida saamaynta taban ee ka dhalatay.

Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM