Puntland: Saamaynta taban ee isbedelka cimilada oo laga shiray

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal-qaadey mashaariicda hadda socda iyo kuwa qorsheysan.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyoWasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti ka socday Hay’adda Save the Children oo uu hogaaminayey Madaxa Programada Puntland Maxamed Cabdullahi Casayr.

Masuuliyiinta oo Wasiirka ugu hambalyeeyey Xilka Cusub ee loo magacaabay, ayaa dhanka kalena kulanka waxaa looga wada hadlay Mashaariicda Hay’adda Save the Children ay la waddo Wasaaradda, kuwa Qorshaysan, iyo sidii qorshe dhow looga wada yeelaan lahaa arimaha Isbedelka Cimilada iyo latacaalida saamaynta taban ee ka dhalatay.

Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM