Puntland: Saldhig martigelinaya ciidamo ah ajanbi oo la bixiyey

Image
Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in qorshahan ay qeyb ka yihiin madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

GAROWE, Puntland – Hogaanka dowladda Puntland ayaa wuxuu qalinka ku duugay saldhig martigelinaya ciidamo ajnabi ah kaasoo laga hirgelinayo magaaladda Caluula ee gobolka Gardafuu, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sidda ay GO u xaqiijiyeen shaqsiyaad siyaabo kala duwan ugu lug-leh ama uga war-haya kiiskan, madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah qorshahan.

"Ciidamada dagaya waxaa loo badinayaa in ay yihiin kuwa Imaaraadka," ayay raaciyeen illo wareedyadda. "Goor sii horeysay ayay qeybtooda tageen aagga laga dhisayo waxaana ay hadda la dagan yihiin ciidamada Puntland ee PMPF-ta".

Xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ee ku guda jirta bilooyinkii ugu dambeeyay xilheynteeda ayaa waxay u muuqataa in ay ku talagashay in ay xeradan ka qariso hay'adaha dowliga ah ee Puntland iyo dadweynaha.

Gorgortan dhaqaale

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo safar kusii ah magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la filayaa in uu madaxda dowladda federaalka kala xaajoodo qodobo ay qadiyadan kamid tahay.

"Qodobada laga gorgortami doono waxaa kamid ah dhaqaalaha laga helayo dhismaha saldhiga ciidan oo uu madaxwayne Deni doonayo in uu si shaqsi ah gacanta loogu geliyo," ayay xuseen illo wareedyadda.

Sidoo kale, maalmaha uu joogo caasimada wuxuu la kulmayaa saraakiil Ameerikaan ah gaar ahaan xubno ka socda safaaradda Mareykanka iyo howlgalka qaaradda Afrika ee AFRICOM.

"Doodiisa ugu badan ee kulanka saraakiisha Mareykanka waxay u badnaan doontaa cabasho uu ka muujiyo diyaarada nooca qumaatiga u kacda ee ka dagtey Gaalkacyo," ayay hoosta ka xariiqeen illo wareedyadda xog-ogaalka ah.

Soo-rogaal-celinta Imaaraadka

Socdaalkan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu si weyn hoos ugu dhacay cilaaqaadka Deni iyo Villa Soomaaliya sababo ku aadan in aan wali la dhaqan-gelin is-afgaradyo dhaqaale iyo xilal oo labada dhinac horey iskula-meel-dhigeen.

Imaaraadka ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 15-kii May, 2022 wuxuu qaadey talaabooyin uu ku xoojinayo joogitaankiisa Soomaaliya si gaar ah Puntland oo uu kusoo dajiyey gaadiid gaashaaman iyo tobanaan askar ah.

Warar ayaa sheegaya in sidoo kale uu jiro qorshe lagu tababaro tirro badan oo ciidamo Soomaali ah kuwaasoo ay iska kaashanayaan Abu Dhabi iyo Masar. Qorista askartan ayaa goor-sii-horeysay waxay ka bilaabatay Muqdisho.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in suurtagal ay tahay in qeyb kamid ah ciidamaddaas heerka federaal lagu tababaro magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasna uu tagi doono madaxwayne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM