Puntland: Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo laga sii-daayey xabsiga

Image

4 Sept,2015 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab oo bishii August 22,2015 ciidamada amaanka Puntland ku qabteen duleedka magaalada Garowe laga sii daayey xabsiga kadib markii amar kasoo baxey madaxweynaha dowlada Puntland.

Sarkaalkaan oo magaciisa la yiraahdo Cabdulahi Cabdi Xaaji loona yaqaano Mursal Madoobe ayaa u qaabilsanaa ururka Al-Shabaab madaxa howlgalada iyo xiriirka gobolada. 

Madoobe ayaa markii la qabanyey ka yimid buuralyda Galgala isagoo ku soo jeedey gobolada Koonfurta Somalia.

Lama oga sababta madaxweynaha Puntland u baxshey amarka lagu sii daayey sarkaalkaan iyadoo warbixin horey uga soo baxdey Qaramada Midoobey qaybta la socota arrimaha Somalia iyo Eretiria ku eedeeyeen xukuumada Gaas siyaasada la yiraahdo qabasho iyo sii deyn ( Catch and Release).

Sarkaalkaan la qabtey ayaa wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya sheegayaan inuu sanadka 2013 u soo wareegey buuraleyda Galgala isagoo ka qayb qaatey weerar horey loogu qaadey xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso.

Xabsiyada Puntland ayaa laga sii daayey xubno kala duwan ee ka tirsan ururka Al-shabaab sanadihii 2014-2015  kuwasoo ay kamid ahaayeen Cabdirizaq Xusen Tahliil "Ilkacase", Maxamad Abshir Cartan, Cabdiqani Nuur Qorane iyo kuwo kale kuwasoo ku xukunaa xabsi dambiyeedyo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM