Puntland: Sarkaal lagu dilay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Kooxo hubaysan ayaa xalay ku dilay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Puntland islamarkaana kamid ahaa ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne Gaas.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Cabdiraxmaan (Gaandi), waxaana la weeraray waqti uu ku sugnaa gudaha magaalada.

Kooxo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa dilka marxuumka ugu gaystay Galkacyo, kuwaas dhowr xabadood ku dhuftay kahor intuusan ku geeriyoon goobta.

Dablayda ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goordambe gaaray aagaas ciidamada ammaanka oo sameeyay baaritaano kala duwan.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda falka lagu dilay sarkaalkaas katirsanaa Madaxtooyada magaalada Galkacyo.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda iyo maamulka gobolka Mudug.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa hagaagsanayd muddooyinkii dambe, waxaase horay u jiray weeraro lagu dilay shacab iyo mas’uuliyiin oo ka dhacay sannadkii hore Waqooyiga Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM