​Puntland: Shabaab ka khudbaysay Garmaal Eyl Nugal

Image

Warar aan ka helnay deegaanka Garmaal oo katirsan degmada Eyl gobolka Nugal, ayaa sheegaya in halkaasi gaareen mallayshiyaad katirsan kooxda shabaab kuwaasi oo sheegay inay fariisin halkaasi ka samaysan doonaan.

Kooxda halkaasi gaartay ayaa dadka deegaanka khudbad u jeedisay, waxayna tilmaaameen inay faafinayaan diinta Islaamka, iyagoo dadka deegaanka ka codsaday  inay la shaqeeyaan maadaama aysan wadin dhib balse faafinayaan shareecada Islaamka.

Mallayshiyaadankan, waxaa la xaqiijiyay inuu hogaaminayo nin lagu magacaabo Saacid Karartee.

Imaashaha kooxdan, ayaa keentay inay qaxaan badi dadkii ku sugnaa xeebaha degmada Eyl, iyagoo ka cabsi qaba ciidamada goobta soo gaaray.

Arrintan ayaa keentay in xaalad dag dag ah lagu soo rogo Puntland kadib kulan ay yeesheen wasiirrada xukuumadda.

Waa markii ugu horaysay ciidamo taabacsan ururka Shabaab yimaado gobolka Nugal, waloow horay ugu sugnaayeen gobolka Bari labo garab oo katirsan Daacish iyo Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM