Shacabka Garowe oo ka hadlay magacaabista Xukuumadda cusub [DAAWO]

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Qeybaha kala duwan ee shacabka magaaladda Garowe, ee caasimadda Puntland ayaa si diiran usoo dhaweeyay magacaabista Gollaha Wasiiradda cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadkan oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ay tahay mid u baahan in lala shaqeeyo, oo lasoo dhaweeyo, iyagoo dhanka kale ugu baaqey Baarlamanka Puntland inuu codka kalsoonida siiyo.

Mid kamid ah dhalinyarada fekerkooda dhiibtay ayaa qaba in Wasiiradda cusub ay yihiin shaqsiyaad ku haboon jagooyinka loo magacaabey, islamarkaana laga rajo qabo inay ka shaqeyn doonaan horumar iyo waxqabad Puntland gaarsiin kara hiigsigeeda.

Magaalooyinka kale ee Puntland, oo Boosaaso ay ku jirto ayaa laga soo dhaweeyay magacaabista Gollaha wasiiradda cusub ee Puntland.

Deni ayaa dhisay Xukuumadda kooban, oo ka tira yar midii hore, waxaana kasoo muuqday wajiyo cusub oo dhalinyaro ay kamid yihiin, kadib wadatashiyo uu la sameeyay hogaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahanno iyo Siyaasiyiinta.

HALKAN KA DAAWO DADWEYNAHA FEKERKOODA DHIIBTAY:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM