Puntland: Shaqaalaha hay'adaha dowladda oo la fasaxay [Dhagayso]

Image

22 December, 2015(GO)-Amar ka soo baxay wasaaradda shaqada shaqaalaha Puntland ayaa lagu sheegay in maalinta barri 23 December fasax yihiin dhammaan shaqaalaha kala duwan ee hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Fasaxan oo ku kooban hal maalin ayaa wasaaraddu sheegtay in lagu weynaynayo xuska dhalashada Nabigeenna (NNKH), kaasoo qaban qaabadiisa laga dareemayay deegaanada Puntland.

Agaasimaha waaxda Shaqaalaha ee wasaaraddaasi Barni Ciise Axmed oo la hadashay Radio Garowe ayaa ku dhawaaqday fasaxa shaqaalaha, waxayna hambalyo u dirtay dhammaan muslimiinta meel kasto oo ay joogaan.

Barni ayaa sheegtay shaqada oo badan awgeed inaysan awoodin fasax ka badan hal maalin, waxayna tilmaamtay in fasaxa shaqaalaha dowladda la wadaagaan kuwa la shaqeeya hay'adaha caalamiga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Tan iyo horaantii bishan aan ku jirno ee Mowliid (Hijri), waxaa magalada Garowe ka socday qaban qaabo culimaa'udiinka qaybtood ugu jiraan weynaynta maalinta uu dhashay Nabi Muxamed (NNKH) oo ku beegan Barri.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM