Puntland: Shir laga yeeshay ka hortagga xirmaysiga dhuldaaqsimeedka

Image
Kulanka waxaa Sidoo kale looga hadlay dhaqangalinta Xeerarka deegaanka, iyo la dagaalanka xaalufinta deegaanka.

GAROWE, Puntland - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada ahna kusimaha Wasiirka Ayuub Cali Axmed ayaa Xarunta Dhexe ee Taliska Ciidanka Booliska Puntland Kulan kula Qaatay madaxda Booliska Puntland oo uu ugu horeeyo Taliye kuxigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska DPL, S/guuto Caydiid Axmed Nuur, oo ay weheliyaan taliye Kuxigeenka 2aad S/guuto Cismaan Maxamuud Maxamed(Cige) iyo Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Cali Marduuf.

Kulanka waxaa looga hadlay dhaqangalinta Xeerarka deegaanka, ladagaalanka xaalufinta deegaanka, kaganacsiga dhuxusha, iyo kahortagista Xirmaysiga dhuldaaqsimeedka.

Intii kulanku socday waxaa si gaar ah la iskula falanqeeyey hawgalo ka socda gobolada Puntland oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka iyo taliska Booliska oo lagula dagaalamayo Xirmaysiga dhuldaaqsimeedka, gubista dhuxusha iyo kaganacsiga geed quwaaxa.
Wasiir Ayuub Cali Axmed ayaa Ciidanka Booliska uga mahadceliyey sida ay uga go,antahay badbaadinta deegaanka, sigaar ah waxaa bogaadin loosoo jeediyey Taliska qaybta Gobolka Nugaal oo dhawaan gacanta kusoo dhigay jawaano geed quwaax ah iyo dadkii watay kuwaas oo ku jira gacanta booliska dhawaana lahorgayndoono Maxkamadda Awooda uleh bulshadana loo soo bandhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM