Puntland: Shirkad ganacsi oo loo amrey hay'adaha caalamiga ah

Image

GAROWE- Qoraal ku taarikhaysan 4 Jan, 2016 oo ka soo baxdey wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa amar lagu siiyey gadiidka hay'adaha caalmiga kireystaan "United Nation and international NGos" iney ku rakibaan qalab lagula soconayo dhaqdhaqaaqooda.

Qalabkaan oo la yiraahdo "Rubaab Vehicle tracking devices" ayaa markii hore waxaa ganacsi ahaan u keensadey nin magaciisa la yiraahdo Jaabir Sadiiq balse markii ay u suurtoobi waydey inuu ka iibiyo gadiidleyda iyo hay'daha kale sida xogta Garowe Online soo gaartey sheegeyso waxey xubno ka tirsan xukuumada madaxweyne Gaas isla-garteen in khasab lagaga dhigo gadiidka hay'ada caalamiga ah kireystaan.

Warsidaha Garowe Online oo la hadley qaar ka tirsan gadiidleydaan ayaa sheegey in qalabkaan u shaqeynayo waqti sanad ah markii uu dhaco waa in cusbooneysaa iyadoo gaariga lagu rakibo uusan dhaqaaqi karin.

Dhinaca kale hay'adaha caalamiga ee xafiisyada ku leh Puntland ayaa diidey iney isticmaalaan qalabkaan iyagoo wel wel ka muujiyey amaankiisa oo khatar ah iyadoo suurtagal tahay inuu gacanta ku dhigaan kooxaha bartimaameedsada.

Talaabadaan ayaa waxaa sidoo kale diidey ururada gadiidleyda kuwaasoo ku tilmaamey in wasaarada arrimaha gudaha Puntland sharci dowladeed ka dhigeyso ganacsi qof gaara uu gooni u leeyahay.

Xogta qoraalkaan xambaarsan tahay ayaa soo shaac baxdey xilli magaalada Bosaso shacabka dagan ka cabanayaan qandaraasyo si hoose xukuumada Madaxweyne Gaas u siisey dad gaar ah.

Akhri qoraalka lagu amrayo hay'adaha caalamiga ah: Rubaan GO.pdf

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM