Puntland: Shirweyne waxbarshada looga hadlayo oo Garowe ka furmay[DHAGEYSO]

Image

GAROWE, Puntland- Xarunta Wasaaradda waxbarshada Puntland ee Garowe waxaa maanta ka furmay shir arrimaha lagaga hadlayo ay ugu weyn tahay manhajka iyo siyaasadda lagu hayo waxbarshada dalka iyadoo ay wada qayb galayaan kulankan laba guddi oo ka kala tirsan labada dhinac.

Abshir Yuusuf Aw Ciise wasiirka waxbarshada Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in go'aamo wax ku oola ka soo baxaan shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah wuxuuna u mahad celiyey waftiga wasiirka waxbarshada Soomaaliya ee shirkan u yimid Puntland.

Wasiirka waxbarshada DF Somalia oo markuu shirkan furay u amba-baxay dalka Kenya ayaa sheegay in dhamaan waxyaabaha saldhiga u ah waxbarshada guud dalka ay isku afgarteen Puntland arrimaha kelena ay dhamayn doonan guddiyada qadiyadan loo xilsaaray.

Dhan kele Wasiirka waxbarashada Somalia Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa shaaciyey deeq waxbarasho oo laga helay dalka Masar isagoo ku wareejiyey qaybta Puntland ay ka heshay wasiirka waxbarashada Puntland .

Ugu danbayn wasiirka ayaa Puntland ku amaanay guulaha ay ka gaadhay tacliinta iyo horumarada kele ay gaadhay oo u sheegay inay tahay mid Somaali oo dhan guul u ah.

Laba maalmood ka dib ayuu soo xirmi doona shirkan oo ah kii ugu weynaa ee ay yeshaan labada wasaradood tan iyo intii uu isbedelku uu ku yimid hogaanka sare ee DF ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM