Puntland oo "soo afjartay" muuqaal-duube ka tirsanaa ISIL

Image

BOOSAASO, Puntland - Taliska ciidamadda gaarka ah ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka dhigay in ay dileen dagaalameyaal ka tirsanaa kooxda la magac-baxdey dowladda Islaamka ama Daacish.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska PSF-ta laguna faafiyey ciwaanka ay ku leeyihiin baraha bulshadda ayaa lagu sheegay in xubnahaas uu kamid yahay muuqaal-duube aysan shaacin magaciisa.

Muuqaal-duubahaas ayaa, sida ku xusan warka qoraalka ah, wuxuu dhowaan ahaa maskaxdii ka dambeysay filimkii lagu faafiyey baraha bulshada ee muujiyey askar Puntland oo la qarxinayo.

"Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka waxaa la raaciyey: "Xubnahan ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor hadana laguna baahiyey barta Internetka".

"Maantay wuxuu doonayey sidaas si la mid ah inuu doobo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Difaaca Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee taliska ciidamadda PSF-ta.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa si dhuumaaleysi ah waxay uga howlgalaan degaanadda buuraleyda ah ee Puntland, hase ahaatee, ciidanka Puntland waxay xoojiyeen howlgaladda ay ku dabar-goynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM