​Puntland: Tababar loo furay shaqaale la qaatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxa maanta [22 May, 2016] xarunta wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ka furmay tababar socon doona muddo afar maalmood ah, oo loo qabtay sagaal xubnood oo katirsan 60 shaqaale loo qaatay wasaarado iyo hay'addo dowladda Puntland katirsan.

Munasaabad lagu furayay tababarkan ayaa waxaa kasoo qayb galay mass'uuliyiin kasocota wasaradda shaqada iyo shaqalaha, saraakiil katirsan Bangiga Adduunka iyo hay'adda sagaalaha rayidka ah.

Xubnaha la tababarayo ayaa isugu jira madaxqaybeedyo loo qaatay shaqada iyo shaqalaha, waxay qayb ka yihiin mashruuca lagu tayaynayo shaqaalaha dowladda Puntland ee taageerayo Bangiga Adduunka.

Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland, Barni Ciise Axmed ayaa sharaxday muhiimaddu uu leeyahay aqoon isweydaarsigan, iyadoo xustay inuu socon doono afar bari islamarkaana la bari doono casharro la xiriira shaqadooda.

Xiriiriyaha barnaamijka tayeynta shaqaalaha xukuumadda Puntland, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa tilmaamay in xubnahan yihiin kuwii ugu horeeyay ee mashruucan loo tababaro, isagoo intaasi raaciyay inay kamid yihiin 60 qof oo boosas iyo xarumo kala duwan loo qaatay.

Mustafe Siciiid Shabac, Agaasimaha Ha’yadda shaqaalaha rayidka ah ayaa dar-daaran xooggan u jeediyay la tababarayaasha, wuxuuna ka codsaday inay ilaaliyaan waqtiga kana faa'iidaystaan casharrada lasiinayo, maadama uu la xiriiro shaqada ay qaban doonaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada,shaqaalaha, dhalinyrada iyo Cayaaaraha, Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo furay aqoon isweydaarsigan ayaaa xusay in tababarku yahay faa'iido weyn sidaasi tarteed soo dhaweynayaan islamarkaana ku boorinayaan 9-kan xubnooda inay ka faa'iidaystaan.

Dhawaan ayay ahayd markii imtixaanaad kala duwan loo galay 60 boos oo dowladdu xayaysiisay sannadkan horaantiisa, waxaana ka soo codsaday ku dhawaad kun qof, balse waxaa laga soo xulay 60 qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM