Puntland: Tirada dadka la nool xanuunka HIV oo korortay

Image
Hay'adda AIDS Puntland ee PAC ayaa Garowe ku qabatay munaasabad dadka looga wacyi-gelinayo fayruskan.

GAROWE, Puntland - Dadka la nool xanuunka HIV AIDS ee Puntland ayaa kor u kacday sanadkaan iyaga oo gaaray 604 qof, sidda ay muujineyso warbixin kasoo baxdey Hay'adda AIDS Puntland ee PAC.

Tiradda ayaa ka dhigan in uu koror muuqdo marka lala barbardhigo sanadkii hore 2021 oo tiraddu ahayd 521 qof kuwaasoo la nool xaaladaha kala duwan ee xanuunka.

PAC ayaa agaasintey munaasabad wacyi-gelin ah oo Garowe ka dhacdey Khamiistii. Saraakiisha caafimaadku waxay halkaas kusoo bandhigeen wacyigelino la xiriira xanuunkaan.

Intii ay madasha ka hadlayeen, qaar badan oo kamid ah howlwadeenadda caafimaadka waxay afka ku balaaryeen in marka hore ay bulshadu ku dadaalaan ka hortagga cudurka.

Hay'adda PAC ayaa ka dhawaajisay in dadka xanuunka la nool badankoodu ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 30 sano jir waxaana ay ku taliyeen in dadka is guursanayo ay isbaaraan kahor inta aanay nolosha ku midoobin.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa ka tibaaxay in uu xooga saarayaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka la nool xanuunkaas iyaga oo dadkaasi ay waajahayaan xaalad adag.

Dadka la nool xanuunka ayaa wajahaya faquuq iyo takoor bulsho iyaga oo qeybtood ay madasha ay ka sheegeen in dhawaan laga soo ceyriyay shaqooyinkoodii, isla markaana dowladda aysan waxba u qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM