Puntland: Tirada dadka la nool xanuunka HIV oo korortay

Image
Hay'adda AIDS Puntland ee PAC ayaa Garowe ku qabatay munaasabad dadka looga wacyi-gelinayo fayruskan.

GAROWE, Puntland - Dadka la nool xanuunka HIV AIDS ee Puntland ayaa kor u kacday sanadkaan iyaga oo gaaray 604 qof, sidda ay muujineyso warbixin kasoo baxdey Hay'adda AIDS Puntland ee PAC.

Tiradda ayaa ka dhigan in uu koror muuqdo marka lala barbardhigo sanadkii hore 2021 oo tiraddu ahayd 521 qof kuwaasoo la nool xaaladaha kala duwan ee xanuunka.

PAC ayaa agaasintey munaasabad wacyi-gelin ah oo Garowe ka dhacdey Khamiistii. Saraakiisha caafimaadku waxay halkaas kusoo bandhigeen wacyigelino la xiriira xanuunkaan.

Intii ay madasha ka hadlayeen, qaar badan oo kamid ah howlwadeenadda caafimaadka waxay afka ku balaaryeen in marka hore ay bulshadu ku dadaalaan ka hortagga cudurka.

Hay'adda PAC ayaa ka dhawaajisay in dadka xanuunka la nool badankoodu ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 30 sano jir waxaana ay ku taliyeen in dadka is guursanayo ay isbaaraan kahor inta aanay nolosha ku midoobin.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa ka tibaaxay in uu xooga saarayaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka la nool xanuunkaas iyaga oo dadkaasi ay waajahayaan xaalad adag.

Dadka la nool xanuunka ayaa wajahaya faquuq iyo takoor bulsho iyaga oo qeybtood ay madasha ay ka sheegeen in dhawaan laga soo ceyriyay shaqooyinkoodii, isla markaana dowladda aysan waxba u qaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM