Puntland: Toban nin oo dil toogasho loogu xukumay Al-Shabaabnimo

Image
Labo kamid ah ragga la xukumay ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen khaarijintii Wariye Jamaal Faarax Aadan.

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta oo Axad ah xukun dil ah ku riday toban nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Labada kamid ah xukumaneyaasha oo kala ah Cadde Cabdillaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Saylor ayaa lagu helay dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka tirsanaa mid kamid ah idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Gaalkacyo.

Cilmi iyo Saylor ayaa xukunka dilka toogashada ah si kama dambeys ah loogu riday ka gadaal markii ay lumiyeen dhammaan fursadaha ay ku qaadan kareen rafcaanka.

Tobanka nin ee maxkamada ciidamada Puntland ay xukun ku riday ayaa sidoo kale waxaa dhankooda ku cadaatay in ay dilal ka geystay xarunta gobolka Mudug.

Ragga la xukumay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay.

Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi
Cabdiqani Saleemaan Jaamac Saylor
Xasan Jaamac Maxamed
Maxamed Cali Axmed Muuse
Farxaan Faysal Salaad Xirsi
Cabdullaahi Faysal Xuseen
Barkhad Cawil Xirsi Nuur
Liibaan Aadan Muuse
Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi
Cabdiraxmaan Cawil Maxamed

Horaantii bishan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19 nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo lagu helay dambiyo dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM