Puntland: TPEC oo xariga ka jartey xafiis horleh

Image
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga doorashada dowladaha hoose.

GAROWE, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Jaamac Xirsi Faarax, ayaa xarunta gobolka ee Degmada Caluula xariga uga jaray xafiiska gobolka Gardafuu ee TPEC.

"Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Jaamac Xirsi Faarax uuna ka mid yahay Agaasimaha howlgalada Doorashooyinka Maxbuub Nuur ayna weheliyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Gardafuu ayaa xarunta gobolka ee Degmada Caluula xariga uga jaray xafiiska gobolka Gardafuu ee Guddiga Doorashooyinka Puntland," ayuu guddigu yiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Xarig jarka ka dib waftiga TPEC ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada waxayna uga mahadceliyeen sida ay usoo dhaweeyeen, sidoo kale waxa ay uga warbixiyeen ujeedka xafiiska loo furay iyo shaqooyinka uu qabanayo waxayna ku wacyigaliyeen inay soo dhaweeyaan Ururadda kana mid noqdaan Ururka ay doonaan si codkooda ay ugu doortaan qofka ay rabaan".

Bishii August 19-keeda, Wafdi uu hogaaminayo Cali Jaamac Faarax oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo Agaasimaha Wacyigalinta TPEC Faysal Khaliif Barre ayaa xarig jaray xafiiska gobolka Sool ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.

"Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamid ah Ururada Siyaasadda xafiisyada ku leh magaalada Boocame iyo masuuliyiinta gobolka ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka Sool ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga," ayaa la raaciyey qoraalka.

Bishii August, 28-keeda, Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre uuna ka mid Afhayeenka TPEC Cabdinuur Sheekh maxamed ayaa xarig jaray xafiiska gobolka Mudug ee Guddiga Doorashooyinka Puntland.

"Furitaanka xafiiska oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamid ah Ururada Siyaasadda xafiisyada ku leh magaalada Gaalkacyo iyo masuuliyiinta gobolka ayaa xubnaha Guddigu sheegeen in xafiisku ka shaqayn doono sare uqaadida fahamka dadweynaha gobolka Mudug ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland iyo habsami usucodka shaqada Guddiga," ayuu xusay.

Talaabooyinkan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhow-dahay waqtiga doorashada dowladaha hoose oo ah 25-ka bisha October, 2021 waxaana ururada siyaasadda ay si weyn isugu diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan coddeyntan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM