Puntland: Tuutihii Ciidanka PSF oo la bedelay [Akhri Sababta]

Image

BOOSAASO, Puntland - Agaasimaha Cusub ee hay'adda PSF Jen Amiin C/llaahi Xaaji ayaa booqday askarta ku sugan buuraha Galgala, ee gobolka Bari.

Waxuu intii uu ku sugnaa shalay Galgala u kuur-galay xaaladda Ciidanka iyo Duruufaha ay ku sugan yihiin, ee u baahan in si deg deg ah wax laga qabto.

Jen Amiin, oo Madaxweyne Deni xilka u magacaabey 24-kii bishii lasoo dhaafey ayaa Darees cusub iyo hub u qeybiyay Ciidanka ku sugan Galgala, wuuxuna kula soo dardaarmay inay waajibkooda si fiican u gutaan, oo cadowga la dagaalamaan.

Mar uu goobta ka hadlayay ayuu sheegay Jen Amiin in la bedelay Tuutihii Ciidanka PSF, kadib markii sida uu sheegay kii hore gacanta u galay cadowga.

Ma uusan sheegin cadowga cida uu ula jeedo, balse wuxuu xusay in hadda dareeska cusub uu yahay mid kala cadeynaya Ciidanka dowladda iyo cadowga.

Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen dowladda Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada, oo wax badan ka qabteen sanadihii howlgalka socday.

Xiisadda ka dhalatay isbedelka dhanka hogaanka, ayaa saameyn ku yeelatay Ciidanka, waxaana hadda Boosaaso ka soconaya dadaallo dhinacyo badan ku lug leeyihiin oo lagu dhameynayo is-mariwaaga sababay gacan-ka-hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM