Puntland: Tuutihii Ciidanka PSF oo la bedelay [Akhri Sababta]

Image

BOOSAASO, Puntland - Agaasimaha Cusub ee hay'adda PSF Jen Amiin C/llaahi Xaaji ayaa booqday askarta ku sugan buuraha Galgala, ee gobolka Bari.

Waxuu intii uu ku sugnaa shalay Galgala u kuur-galay xaaladda Ciidanka iyo Duruufaha ay ku sugan yihiin, ee u baahan in si deg deg ah wax laga qabto.

Jen Amiin, oo Madaxweyne Deni xilka u magacaabey 24-kii bishii lasoo dhaafey ayaa Darees cusub iyo hub u qeybiyay Ciidanka ku sugan Galgala, wuuxuna kula soo dardaarmay inay waajibkooda si fiican u gutaan, oo cadowga la dagaalamaan.

Mar uu goobta ka hadlayay ayuu sheegay Jen Amiin in la bedelay Tuutihii Ciidanka PSF, kadib markii sida uu sheegay kii hore gacanta u galay cadowga.

Ma uusan sheegin cadowga cida uu ula jeedo, balse wuxuu xusay in hadda dareeska cusub uu yahay mid kala cadeynaya Ciidanka dowladda iyo cadowga.

Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen dowladda Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada, oo wax badan ka qabteen sanadihii howlgalka socday.

Xiisadda ka dhalatay isbedelka dhanka hogaanka, ayaa saameyn ku yeelatay Ciidanka, waxaana hadda Boosaaso ka soconaya dadaallo dhinacyo badan ku lug leeyihiin oo lagu dhameynayo is-mariwaaga sababay gacan-ka-hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM