Puntland: Ururada siyaasada oo loo qoondeeyay $90k

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah sheegtay in ay 90-kun oo Doolar u qoondeysay 9-ka urur siyaasadeed ee uu diiwaan-geliyey Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Tani ayaa waxay la macno tahay in ururkiiba uu helayo aduun lacageed dhan $10-kun doolar si loo dardargeliyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

Puntland oo qorshuhu yahay in Oktoobar 2021 ay ka bilaabato doorashooyinka goleyaasha degaanka ayaa isu-diyaarineysa in ay ka gudubto nidaamka awood qeybsiga beelaha.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo maanta daahfuray diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha kuna dhawaaqay lacagta, aya kalsooni ka muujiyey si nabad ah kusoo idlaato shaqada.

Karaash oo hadalkeeda sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda madaxwayne Deni ay ka go'an tahay in ay ka dhabeyso balanqaadkeeda in doorashada soo aadan ee Puntland ay noqoto qof iyo cod.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u daabacay faallo ku saabsan in ururada siyaasada ay caqabad kala kulmayaan shacabka gaar ahaan bixinta qaaraanka xubinimo una baahan yahay taageerada dowlada.

Taageero siyaasi ah iyo mid dhaqaale oo dowladda ay ku garab-istaagto ururada siyaasada ayaa udub-dhaxaad u noqon kareysa in uu guuleysto barnaamijkan oo sidoo kale fursad u ah guud ahaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM