Puntland: Waa nasiib daro in Farmaajo uu been ku ololeynayo

Image

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland ayaa si deg-deg ah ganafka waxay ugu dhufatay eedeynta kaga timid madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo wareysi siiyey telefishinka maxaliga ah ee Shabelle ayaa shaaca ka dhigay in Puntland iyo Jubaland uu ka socon waayay shirkii Afasiyooni ayna la yimaadeen shuruudo dheeraad ah.

Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland, Jaamac Dabraani, ayaa sheegay in Farmaajo uu dadka ku marin-habaabinayo "in faragelin shisheeye dalka ku socoto" iyo "olole been abuur ah".

Dabraani oo qoraal ku daabacay Facebook ayaa ka dhawaajiyey in sheegashooyinka Farmaajo aysan sal iyo baar lahayn isla markaana aysan jirin cid dalbatay in la kala diro baarlamaanka federaalka.

"Madaxweynaha Wakhtigu ka dhammaaday Farmaajo fashil ka weyn ma jiro inaa sharci daro kursiga kusii fadhido, Waxba ha ku marin habaabin bulshada faragelin baa la inagu hayaa, iyada hadii ay noqotona adaa koobka ku qaaday markii aad qof Soomaali ah wadan kale u dhiibtay!," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaa kale oo nasiib daro ah inaa been ku ololeyneysid, waana caalamadaha guul darada marka qofku uusan sharci ku fadhin, meelno laguma oran Dowladda ha la dumiyo. waxaa keliya ee lasoo jeediyey madaama 17 Sept kadib uu adiga wakhtiga ka dhacay in aad Doorashada u qabato Sidii Madaxweynihii ka horeeyay".

"Markii noogu kaa danbeysay adiga oo muuqaal diyaarsan jeebka ku haysta ayaa la Shirtay Madaxda, Khiyaano iyo Fashilin Shir inay ahayd cidkasta waa ogaatay! Waxaa tiri aan isu soo laabano, kadibna markiiba waadigii amray in la baahiyo in Shirka Fashilmay, maalmo ayaana lagu laha soo laabo Shirka ha fashilin!," ayuu tibaaxay.

Wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Soomaalidu waxay illaashan jirtay Afartii sano in halmar ay Doorasho ka dhacdo dalka, si wanaagsana xilka la isugu wareejiyo. Balse waxaa muuqata in aad noqotay qofkii ugu horeeyay burburkii kadib Kursiga isku dhejiya, isku daya muddo kororsi aan sharci aheyn , xoog iyo jujuub, dhammaan ficiladaasina dadka Soomaaliyeed waa soo arkeen natiijadooda!".

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku dhowaad muddo bil ah waxay caasimada Muqdisho u joogeen shir xal loogu goobayey is-mari-waaga doorashooyinka wallow natiijo aysan kasoo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM