​Puntland: Waa sidee xaaladda dadkii ka qaxay Qandala? [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala Siciid Maxamed Waaberi oo haatanna ah xisaabiye ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Radio Garowe u sheegay in guud ahaan shacabkii ku noolaa degmada Qandala isaga qaxeen walaac laga qabo in goobtaas dagaal ku dhex maro ciidamada Puntland iyo mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin Daacish oo ilaa todobaadkii hore ka agdhawaan degmadaas.

Waaberi, ayaa xusay inay jiraan diyaarado degmada dul hee-haaba iyo Maraakiib badda kusoo xirtay, taasoo dhalisay cabsida ugu weyn sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ka dayriyay xaaladda dadkii magaaladaas ka qaxay oo sheegay inay gaareen magaalada Bosaso iyo tuulooyinka ka agdhow, isagoo tilmaamay inaysan jirin cid kaalmo soo gaarsiisay, maadama ay kasoo carareen hantidoodii.

Xisaabiyaha, ayaa hadalkiisa sii raaciyay inay jiraan dad faro ku tiris ah oo Qandala ku haray kuwaasoo u qaxi waayay duruufo haysta.

Hay'adaha caalamiga ah iyo dowladda ayuu ka codsaday in dadkaas soo gaarsiiyaan kaalmooyin kala duwan, maadaama dadka xaaladoodu liidato.

Qandala, ayaa ah magaalo xeebeed qadiim ah oo qiyaastii 75km dhinaca Bariga ka xigta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM