​Puntland: Wafdi kasocda dowladda oo gaaray Galdogob

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALDOGOB, Puntland- Wafdi kasocda dowladda Puntland, ayaa maanta gaaray magaalada Galdogob oo katirsan gobolka Mudug, halkaasoo dabayaaqadii sannadkii hore ka dhaceen kufsi wadareed gabar da'yar ah u gaysteen koox dhalinyaro ah.

Xubnaha halkaasi booqday ayaa isugu jiray; Xildhibaano katirsan dowladda Somalia, Wasiirrada wasaaradaha Haweenka iyo Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda, taliyaha ciidanka Booliiska, Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo xubno kale.

Socdaalkan ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro sidii xal looga gaari lahaa kiiska gabadhaas oo muddooyinkii dambe aad loo hadal hayay.

Soo dhaweyn ballaaran ayay u sameeyeen shacabka degmadaasi ku nool, waxaana maamulka Galdogob sheegeen inay ku faraxsanyihiin booqashada mas'uuliyiinta iyagoo uga waramay xaaladda guud ee magalada

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumi iyo wasiirka Cadaaladda Saalax Xabiib ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kiiskii ka dhacay degmadaas iyagoo sheegay in sharciga la marsiin doono qof kasta oo ku xadgudba xuquuqda dumarka.

Mas'uuliyiintan ayaa la filayaa inay go'aan ka gaaraan qaabka loo wajahayo kiiska koox dhalinyaro qaybtood aysan qaan gaarin u gaysteen gabar aad u yar oo bishii December lagu kufsaday Galdogob iyadoo sidoo kale dhaawacyo loo gaystay.

Dowladda ayaa horay u cambaaraysay arrintaas iyadoo tilmaamtay inay wax ka qaban doonto kiiska foosha xun ee gabadhaasi lagula kacay.

Arrintan inantaas ayaa bisha aad looga falanqeeyay baraha bulshada iyadoo baaqyo kala duwan kasoo baxeen madaxda dowladda Somalia iyo kuwa Puntland, taasoo ay ku muujinayeen inay ka xunyihiin falkaas

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM