Puntland: Warshad sameysa Oxygen-ta oo la daahfuray

Image
Image
Warshada oo lagu kordhiyey Isbitaalka Qardho ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa oo wasaaradda Caafimaadka we Dowladda Puntland ay kusoo kordhisay Isbitaalka guud ee Qardho.

Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka Covid-19.

Sidoo kale Dowladda Puntland ayaa si ballaaran waxay u qorsheysay inay warshado oxygen kale oo noocaan oo kale ah ay geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Deni ayaa sidoo kale kormeeray qaybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha waxkayar 9bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland.

Deni ayaa wuxuu la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka mid-yahay adeegyada muhimka ah ee Bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM