​Puntland: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xarun yeelatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismo cusub oo ay leedahay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, kaasoo laga hirgaliyay magaalo madaxda Puntland.

Xaflad xarigga looga jarayay guriggan oo labo dabaq ka kooban, waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda wasaaradaha Puntland iyo shaqaalaha dowladda.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyay madasha, waxaana wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland uu sheegay inuu ku faraxsanyahay hoygan wasaaraddu yeelatay, isagoo sheegay inuu ku yimi dadaal iyo isku tashiga dowladda iyo shacab.

Xubno kale oo shacab iyo mas'uuliyiin isug jiray, ayaa soo dhaweeyay qorshahan xarumaha loogu sameyay hay'adaha dowladda, waxayna ku taliyeen in xarumaha kale sidan oo kale goobo ay leeyihiin loo sameeyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, oo dar-daran u jeediyay wasaaradda ayaa ugu baaqay inay soo dhamaytirsaan dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka aan weli loo samayn, waxuuna farxad ku tilmaamay inuu arko xarun uu dhagax dhigeeda goob joog ka ahaa.

10 bilood ayaa laga joogaa markii madaxda Puntland dhagax dhigeen dhismaha xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxayna ku biiraysaa wasaaradihii hore ee dagana dhismayaashooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM