​Puntland: Wasiir dowle loo magacaabay Caafimaadka

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland digreeto kasoo baxday xafiiskiisa 14 bishan ku magacaabay wasiir dowle caafimaad kadib geeridii dhawaan ku timi ALLAHA u naxariistee Cabdullaahi Jaamac Cali, waxaana booskii uu baneeyay lagu badalay Sayid-Cumar Aadan Guuleed. 

Hoos ka akhriso tigreetada kasoo baxday Madaxweynaha Puntland

Xeer Madaxweyne Lr.16, February 14,  2016, kuna saabsan Magcaabid Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Puntland   MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND.

Markuu arkay:                       Dastuurka Puntland;

Markuu tixgeliyey:                 Aqoontoontiisa  iyo waaya aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Sayid-Cumar Aadan Guuleed loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Dawladda Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM